KHEYRAADKA DALKEENA


Isbedello nabadeed iyo mid ganacsi oo xiliga habeenkii laga dareemayo wadada Wadnaha ee Magaalada Muqdisho
Akhristayaasheena Sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa Sawirrada deegaannada Ceelasha Biyaha,Xaawo Cabdi,Lafoole,Carbiska iyo degmada Afgooye halkaasi oo dhowaan ay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo iskaashanaya ay kala wareegeen Maleeshiyada Al-Qaeda. Muuqaallada ayaa muujinaya in deegaannadaasi aanay ka jirin wax burbur ah maadaama aysan Ciidammada howlgalayey aysan toos u weerarin deegaannada ay dadku degenaayeen ayaga oo ka taxadarayey qasaare soo gaara shacabka sidaasi daraadeedna ay Ciidammadu istiraatiijiyad dhinaca howdka ah ay deegaannadaasi kula wareegeen waxaana taasi ay qeyb ka tahay Taageerrada ay Ciidammadu kala kulamayaan shacabka..